
Xilliga kulaylaha oo dhan Hindiya, mid ka mid ah su’aalaha ugu badan ee hogaamiye ku takhasusay cudurka macaanka ee Mumbai uu ka maqlo bukaannadiisa waa: “Miyaan cuni karaa canbaha?”
“Cambaha, oo uu ku badanyahay macaanka iyo noocyadiisa kala duwan ayaa ah mid muhiim ka ah xilliga xagaaga Hindiya, waana mid la fahmi karo sababta ay dadku u rabaan inay ku raaxaystaan cunistiisa,” ayuu yiri Rahul Baxi.
Si kastaba ha ahaatee, su’aashan fudud, ayuu sheegayaa in ay ku timid fikrado khaldan – oo u dhexeeya aaminsanaanta in cambaha si adag looga fogaado, iyadoo dadka kasoo hor jeeda ay la tahay in cunista xad-dhaafka ah ee camabaha “ay u darnatahay cudurka macaanka”.
Xaqiiqdu waxay ku taal meel u dhaxaysa labadaas, laakiin jahwareerka arinkaasi ma ah mid ku eg xilliga. “Xaqiiqdii, bukaanno badan ayaa ku soo noqda booqashooyinka la-socodka ka dib xilliga-cambaha kaas oo badanaa leh heerarka gulukooska oo sarreeya, mararka qaarkood, sababta waxa laga yaabaa in si xad dhaaf loo dareemo mirahan la jecel yahay,” ayuu yiri Dr Baxi.
Jahwareerkan joogtada ah ayaa dad badan oo qaba cudurka macaanka ku reebay in ay ka digtoonaadaan “boqorka miraha”. Hase yeeshe, cilmi-baaris cusub ayaa soo jeedinaysa in canbaha laga yaabo in uusan ahayn mid xun sida mararka qaarkood loo maleeyo.